M/weynaha Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa oo kulan gaar ah ugu socdo Beledweyne

52

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay sheegayaan Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee Lama-galaay ay ka socoto kulan gaar ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulkaas Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku-xigeenkiisa.

Kulanka labada dhinac ayaa la tilmaamay in ay ugu arrinsanayaan sidii loo dardarn galin lahaa kuraasta doorashadooda ku harsan tahay Magaalada beledweyne iyo sidii ay iyaguna ay u dhameen la haayeen khilaafka soo kale dhex galay ee la xiriira maamulka doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Khilaafka uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, waxaa uu salka ku hayaa kuraas Seddex ah si gaar ah Kursiga Hop#135 oo ay ku fadhiso Xildhibaan Aamino Maxamed iyo kan Hop#004 waxaana hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahin Qoone.

Wada hadalka labada dhinac kadib, waxaa lagu wadaa  in uu soo baxo go’aano la xiriira hab maamulka doorashada, qorshaha sugidda amniga iyo dejinta maleeshiyaadka hubeysan ee sheegay in ay diidan yihiniin in tartanka Doorashada la xiro.

Yuusuf Dabageed ayaa hore si cad u sheegay in uu boobi doono kuraasta Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Magaalada Beledweyne lagu doorayano, iyadoo taasi ay ka dhalatay hadal heyn kale duwan, iyadoo taasi uu ka biyo diidan yahay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.