Guddi loo xil saaray xal u helista dagaalkii ka dhacay Boosaaso oo kulmay

38

Guddoonka Isimada gacanta ku haya dagaalkii ka dhaccay magalada Bosaaso dhamaadka sanadkii hore ayaa maanta oo Isniin ah kulan la qataay Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid iyo Duqa Degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ah guddi Madaxweynuhu u xilsaarey wax ka qabashada dhibaatadii dhacdey.

Kulankan ayaa ka dhacday guriga Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, ujeedada shirka ayaa ahaa dhegaysiga warbixinaha la xiriira dhibatadii dhacday iyo sidii loo xalin lahaa khasaaarihii shacabka soo gaaray oo Madaxwaynaha Puntland u xilsaaray dhamaystirkeeda Gudoomiyaha Gobalka Iyo Duqa magaalada Boosaaso wasarada Arimaha gudaha iyo hayadaha kale ee ay khusayso arrintan.

Xubnaha Guddiga ayaa ku balaam vinay shir kale yeeshaan sidii loo xalin lahaa khasaaraha dagaalka kasoo gaaray dadka shacabka ah.