Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa weerarka lagu qaaday isbitaalka carruurta dumarkana ay ku umulaan ku tilmaamay ‘dambi dagaal’.
Waxaa laga yaabaa inaysan xaaladdu sidaa u muuqan, laakiin “xitaa dagaalku wuxuu leeyahay xeerar”, sida Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas uu dhigayo.
Goobaha ay dagaalladu ka dhacaanna waxaa laga dhaqan geliyaa heshiiska Geneva, shuruucda iyo heshiisyada kale caalamiga ah.
Heshiisyada iyo sharciyada dagaalku waxay dhigayaan inaan si ula kac loo duqeyn karin goobaha ay dadka rayadka ah ku nool yihiin.
Sida oo kale heshiisyadaasi waxaa lagu mamnuucay hubka qaarkii inaan dagaalka loo isticmaali karin maadaamaa ay qasaaro ba’an ka dhalan karto. Sida hubka kiimikada oo sida weyn wax u gumaado iwm.
Dadka dhaawac ahna in la daryeelo dadkaasi oo ay ka mid yihiin askarta dagaalka qaybta ka ahayd iyo macabiista dagaalka lagu qabto.