Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay iyaga, isagoo faray masuuliyiinta ay khuseyso in xil la iska saaro daaweynta Ciidamada dalkooda iyo dadkooda u Shaqeeynayay.
Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada.