Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, ka dib markii xalay ay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay muddo kooban la wareegeen.
Saraakiisha Ciidamadan oo isugu jira kuwa gaarka ah Haramcad iyo Gorgor ayaa sheegay in ay wadaan Howlgallo ay kaga hor-tagaan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.
Xaaladda degmada Matabaan ayaa deggan saaka, ka dib markii ay gaareen Ciidamo badan oo Gurmad ah, kuwaas oo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle.
Dagaalameyaasha Al-shabaab dhowr jeer oo hore weerar culus ku qaaday Matabaan, iyaga oo burburiyay Saldhiga Booliiska ee degmada.