Sida ay daabacday jariidada Wall Street Journal ee kasoo baxda Mareykanka, Milateriga Mareykanka ayaa ka codsanaya Madaxweyne Biden in uu kumaandooska Mareykanka ee laga saaray Soomaaliya dib saldhigyadoodi logu celiyo si ay gacan uga geystaan inay xakameeyan weerarada kooxda Al shabab.
Saraakisha Militeriga Mareykanka ayaa aaminsan in Al shabab ay dhul hor leh ay isku soo faafinayaan ayna taa dhibaato kutahay guulihii horey looga gaaray.
Taliyayaasha Milateriga ayaa doonaya in Aqalka Cad uu ka laabto amarkii Madaxweyne Donald Trump daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ahaa in ilaa 700 oo askartii Mareykanka ee ka howlgalaysay Somalia laga saaro kuwaa oo tababaro heer sare ah siinayay ciidamada Soomaaliya oo dagaal kula jira Al shabab.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa inta badan ciidamada kumaandooska Mareykanka u raray dalalka Jabuuti iyo Kenya oo daris la ah Somalia.
Milateriga ayaa ka codsanaya Mr. Biden in askartoodi lageeyay Jabuuti iyo Kenya dib loogu soo celiyo Soomaaliya. Saraakiisha sare waxay ku doodayaan in askarta maxalliga ah ee Soomaalida ay si wax ku ool ah u dagaallamaan marka ay si joogto ah u barbar socdaan hawl-wadeennada gaarka ah ee Maraykanka, xitaa haddii Maraykanku ka fogaado dagaalka dhulka oo ay xaddidaan doorkooda tababarka iyo taageerada hawada.