Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Punland waxaa maanta kulan ku yeeshay Guddiga Kumeel gaarka ee Doorashooyinka Puntland iyo Ururada siyaasadda Puntland.
Sida qoraal kasoo baxay Guddiga lagu sheegay dhinacyada ayaa ka wada hadlay dardargalinta dhamaystirka doorashada degmooyinka harsan iyo ka gudbida caqabadaha ku gadaaman Geedi socodka Hanaanka Axsaabta badan ee puntland.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen inay bilaabaan wacyigalinta dadweynaha Puntland si faham buuxa ay u helaan doorashada ka hor.
Kulankaan oo ahaa mid bille ah waxaa uu kusoo dhammaaday is afragad dhinacyada ah, iyadoo Guddiga ay qorsheenayaan in ay soo dhameystiraan doorashada degmooyinka harsan.