Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf Ahmed Hagar Dabageed ayaa beeniyey eedo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu madaxtooyada dowlada Soomaaliya kala shaqeynaayo sidii dad gaar ah oo ay wadato loogu xiri lahaa kuraasta qaar.
Daba-geed oo Wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in uusan jirin khilaaf ka dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeelle, isla markaasna ay warkaasna faafinayaan dad dano gaar ah leh.
“Madaxweynaha iyo aniga Madaxtooyadda saaxiib baanu lanahay, annaga arragtideena ayaan wax ku wadnaa, cidna nama soo faro galin” ayuu yiri Daba-geed.
Jawaabta Dabageed ayaa timid ayada oo Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu sheegey in madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uu muujiyey niyad wanaag iyo in doorashada si furan loogu tartamo, balse ay jiraan xubno ka mid ah maamulka oo la shaqeynaya Villa Somalia.