Maamulka Gobolka Gedo ayaa wali diidan imaanshaha magaalada Garbahaarey Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha XfS u xil saaray oo guddoomiye looga dhigay abuukaate Cumar Dhageey.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buullo Gareed ayaa sheegay in heshiiskii 17 september uu ka baxsan yahay Guddiga uu hoggaaminayo Abuukaate Cumar Dhageey, isagoo xusay in guddigaas aanu lagu kalsooneyn.
“Guddigu waxaa ay diidan yihiin waxa Soomaali ay ku heshiisay, oo ahaa heshiiskii 17 September oo Garbahaareyna ay ka mid ahayd goobihii loo asteeyay doorashada, heshiiskaas wixii ka baxsana waxey noqdeen guddiga uu hoggaaminayo Abuukaate Cumar Dhageey guddigaasoo aan lagu kalsooneyn buu ahaa ee ma ahan dadku dad doorasho diiday ama doorasho diidan ma aha muddo ayaa diyaar loo ahaa muddaa la sugaayay doorashada” sidaas waxaa yiri Guddoomiye Gareed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay muddo sugayeen sidii ay ku imaan lahaayeen, wuxuu tilmaamay in ay soodhaweeyeen si ay iskugu yimaadaan musharixiinta, Siyaasiyiinta iyo kuwa Ergada dhammaantood.
“Muddaa la sugaayay sidii ay ku imaan lahaayeen, waxaan soodhaweynay musharixiinta siyaasiyiinta iyo dadka ergada dhammaan iney isu yimaadaan, markaa dhibaatada meesha ka jirto oo nimankaan ay abuureen waxa weeye waxaana heshiiska ku jirin ayey meesha soo galiyeen” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Gedo.
Guddoomiye Gareed oo sii hadlayay oo ka hadlayay dibad bixii ka dhacay Magaalada Garbahaarey ayaa tilmaamay in ay hore gacanta ugu hayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada, isagoo xusay in aysan jirin cid ay ka qabsanayaan xiligaan.