Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.
Ujeedka Safarka ee Wafdiga Wasiirka ayaa ah ka qeyb galka meertada 157-Aad ee shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Magaalada Qaahira.
Shirkaan ayaa waxaa ay wafuudda kaga doodi doonaan ajandaha qabyo qoraalka ah ee shirka Wasiirada, oo ka kooban 11 qodob kuwaas oo saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, maaliyadda iyo maamulka, iyada oo la dhageysan doono Warbixinta xoghayaha Guud ee intii u dhaxaysay labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay.
Cabdi Saciid Muuse Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya, caqabadaha iyo Warbixin la xiriirta halka ay marayaan doorashooyinka Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka inta uu ku sugan yahay Magaalada Qaahira, waxaa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doonaa Wasiiro arrimo dibadeedyada ka qeyb galaya Sgirkaas, iyaga oo ka wada hadlin doona xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya.