Waxaa laga deyrinayaa xaalada nololeed ee iminka ay ku sugan yahiin kumanaan Qoys oo deegaanadooda ugu soo barakacay Abaarta ee degan Xerada Iftiin ee ku taala duleedka Baardheere,Qoysaska faraha badan ee degan Xeradaasi ayaa u badan ,Haween,Caruur iyo dad kale oo waayeelo ,kuwaasi oo ka soo kala barakacay deegaano hoos taga degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere.
Labadii maalmood ee la soo dhaafey dad gaaraya ilaa 15ruux oo 14 ka mid ah ay yahiin Caruur ka yar shan sanno ayaa ugu geeriyoodey Xerada Iftiin Gaajo iyo Cuduro ka dhashey Abaarta,halka ilaa dad gaaraya ilaa 30 ruuxna ay la liitaan xanuuno,Qoysaskaasi ayaa xilligan waxaa wajahayaan Daruufo nolol xumo.
Sheekh Shukri Xuseen oo ka mid ah Culima’udiinka Baardheere meel halis ah in taagan tahay Nolosha Qoysaska degan Xerada Barakaca Iftiin,dadka degan xerada oo ah dad dhibaateysan ayaa waxaa ugu darsamey Gaajo,Cuduro iyo nafaqo daro.
“Sidaas hadda idiin muuqata maanta oo keliya waxaa Campka iftiin ku dhintey 6 ruux,5caruur ah iyo Qof weyn,shaleyna waxaa ku geeriyoodey xerada 9 caruur ah,marka dadka waxay u baaba,ayaan waa Cuduro,Gaajo,Nafaqo daro,hoy xumo,kuleyl,Biyo dari.
Sheekh Shukri ayaa ugu dambeen sheegay tan iyo intii Qoysaskan barakacayasha ay soo degeen xerada Iftiin in ay ku dhinteen ku dhowaad ilaa 120 ruux oo u badan caruur,waxuuna ugu baaqey hay’adaha Samafalka,ururada Samafalka iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan in loo gurmado dadkan dhibaateysan ,Qof walbana uu ka qeyb qaato siddii loo bad baadin lahaa nolosha Qoysaskaasi faraha badan ee la liita Gaajo iyo Cudrada.
Xerada Iftiin oo ah Xerada ugu weyn ee degan yahiin dadka ka soo barakacay deegaanadooda ayaa degan dad lagu qiyaasey ilaa 2400 oo qoys,dadkaasi oo ku Barakacay Abaaraha ayaa markoodii hore noloshooda waxay ku tiirsaney dhaqashada Xoolaha iyo Wax soo saarka Beeraha.
\Diyaariye,Wariye Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo