Waa kuma musharaxa isku diiwaangeliyay kursigii laga hor-istaagay in uu ku tartamo Shariif Xasan?

47

Guddiga Maamulka doorashooyinka Koofur galbeed ayaa maanta diiwaangeliyay musharixiin dhowr ah oo u tartameysa kuraas deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Kuraas la diiwaangeliyay waxaa ka mid ah kursiga Hop-167, waxaa kursigaas isku diiwaangeliyay oo shahaadada musharax nimo qaatay Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed, iyadoo kursigaan uu hore ugu fadiyay Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Sidoo kale, Kursiga Hop-099 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhisay Xildhibaanad Deeqa Xuseen Xasan, balse waxaa isku diiwaangeliyay Axmed Madoobe Nuunow Maxamed iyo Cabdinaasir Ibraahim Aadan.

Kursiga Hop#077 waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Isgoowe Deeqow Isaaq, balse haatan waxaa u taagan oo isku diiwaangeliyay musharixiinta kale ah Maxamed Shekh Cabdulaahi (Ciirow) iyo Cabdinaasir Cali Xasan.

Sidoo kale, Kursiga tirsigiisu yahay Hop-168, waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Xildhibaan Xuseen Xasan Xuseen, iyadoo ay haatan ku tartamayaan musharixiinta kale ah Luul Ibraahim Cumar iyo Nasteexo Axmed Nuur.

Kursiga Hop#186, waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale. Waxaase haatan isku diiwaangeliyay oo u taagan Cabduqaadir Cumar Macalin iyo Cabduqaadir Aadan Cali.