Mucaaradka oo cambaareeyay Is-hor istaagii lagu sameeyay Shariif Xasan

21

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo looga hadlay is-hor istaagii lagu sameeyay safarkii uu ku tagi lahaa Magalaada Baydhabo Madaxweynihii hore Koofur galbeed Shariif Xasan sheekh Aadan ayaa waxaa lagu cambaareeyay falkaasi.

Xubnaha Midowga ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid gurracan oo ka baxsan nidaamka dowlad wanaagga iyo ku xad gudubka xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka oo dalka ka socda.

Sidoo kale Golaha ayaa ayaa xusay in Falkaas sharci darrada ah ee lagu joojiyay Safarka Madaxweynaha iyo Taageerayaashiisa ay mas’uuliyaddeeda leeyihiin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen iyo Villa Soomaaliya.