Hay’adda Socdaalka oo lagu wareejiyay dhul loogu talo galay dhismaha Laanta 2aad ee deegaanada Jubaland

42

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo safar shaqo ku joogay Magaalada Kismaayo ayaa kormeeray Xafiisyada xarunta Laanta 2aad ee deegaanada Jubbaland.

Kormeerka shaqo ee Agaasimaha Guud oo ka bilowday Xafiiska bixinta adeegga baasaboorka ee degmada Kismaayo ayaa wuxuu mid mid u dul istaagay Xafiisyada adeegga baasaboorka isagoo warbixino ka dhageystay Saraakiisha ka howlgala Xafiika bixinta adeegga baasaboorka.

Agaasimaha oo kormeerkiisa shaqo sii watay ayaa tagay dhul uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu ku wareejiyay kaas oo loogu talo galay dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee deegaanada Jubaland, dhulkaan ayaa la qorsheynayaa dhismihiisa in uu bilowda sanadkaan.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee HSJ oo u kuur galayay adeegyada Hay’addu ay ka bixiso Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Laanta 2aad Ibraahim Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay guud ahaan howlaha shaqo ee Laanta 2aad.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan horay uga hirgelisay Solar System kaas oo fududeeyay isku xirka adeegyada Socdaalka ee xarunta dhexe iyo Degmada Kismaayo.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa kulan la yeeshan Saraakiisha Laanta 2aad ee Magaalada Kismaayo, isagoo ka dhageystay Warbixinada shaqo ee Xafiisyada, caqabadaha iyo horumarada ka jiro xarunta Laanta 2aad.