Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kulanka ayaa waxaa iyaguna qayb ka ahaa Taliyaha Daraawiishta Gen Yasiin Cumar Dheere, Taliyaha Boooliska Puntland, Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullahi Agaasimaha Ciidanka PSF, waxaa uuna kulanka uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso .
Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii ay ciidamada qalabka sida dib ugu wada shaqayn lahayeen, islamarkaana ay kordhin lahaayeen howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, iyadoona is afgarad laga gaaray kulanka.
Madaxwaynaha iyo isimada ayaa iyaguna kulan labaad la qaatay gudigii loo saarey dhibaatadii ka dhacdey dagaalkii Boosaaso iyo gudoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso waxana uu Madaxwaynuhu amray in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatadii dhacday
Odayaasha dhaqanka ayaa ugu mahadceliyey Madaxwayne Deni iyo cid walba oo ka qayb qaadatay xal u helida dhibaatadii ka dhacday Boosaaso.