Hay’adda Islamic Relief oo Raashin gargaar u qeybisey Boqolaal Qoys oo ku barakacay Abaaraha ee degan Baardheere(DAAWO SAWIRRO)

80


Hay’adda Islamic Relief oo ka mid ah Hayadaha Samafalka ee ka Howl gala dalka Soomaaliya ayaa gargaar Raashin ah maanta ka qaybisey Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana Raashinkaas la siiyey Qoysas ka kala yimid Degaano hoos taga Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere,iyadoo raashinkaasina ay ka Faa’ideysteen Qoysas gaaraya ilaa 400 oo Qoys.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Islamic Relief oo Goobta raashinka lagu qaybinayey ka hadley ayaa sheegay in raashinkan uu qayb ka yahay Gurmadka loo fidinayo dadka ay Abaarahu saameeyeen ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Waxayna sheegeen Raashinkan gargaarka ah oo ka kooban,Bariis,Bur ,Sonkor,Saliid iyo Boorish in Qoysaskan oo laga soo kala xuley Xeryaha Barakacayasha Baardheere in Qorshahoodu uu yahay in Muddo 3 bilood Raashin noocani oo kale ah ay siin doonaan.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ka kala socday Maamulka Baardheere iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha oo iyana ka hadley Goobta ayaa iyaguna si weyn u soo dhaweeyay tallaabadan deeqdan raashinka ah lagu qaybiyey dadka ay Abaaruhiu saameeyeen sidoo kale Masuuliyiintaas waxay u soo jeediyeen Hay’adaha kale in ay ku daydaan hay”adda Islamic Relief.

Qaar ka mid ah Qoysaskii la siiyey Raashinka Gargaarka ah ayaa sheegay in gargaarka noocani oo kale ah uu wax weyn ka tarayo Noloshooda,maadama in muddo ahba Baahi weyn ay u qabeen in laga saacido dhanka Cunnada.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo