Taliska Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa faah faahin guud ka bixiyay weerarkii Maanta ka dhacay halkaas ee lagu dilay Askarta Gaarigana lagu qaatay.
Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb Maxamed Mirre ayaa sheegay in Kooxo hubeysan oo katirsan Ahlusunna oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Magaalada ay dileen askar katirsan Ciidanka dowladda oo dadkooda ku dhexjira.
Taliyaha oo Shir jaraa’id qabtay wuxuu sheegay in Ahlusunna ay yihiin Koox qowleysato ah oo Diinta ku qaraabanaya, isla markaana baneystay dhiiga dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
“Weerarka ay geysteen nimanka sheegta Ahlusunna waxaa uu cadeyn u yahay in ay lamid yihiin Alshabaab oo ay baneesteen dhiiga qof kasta oo ka aragti duwan ayuu yiri” Taliyaha.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray taliyaha in Ahlusunna ay yihiin kuwo qatar ku ah degaannada Galmudug, isaga oo Bulshada Galmudug ugu baaqay inay dadka uga jira kasoo dhex saartaan.