Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta billowday qabashada doorashada kuraas ka mid ah kuwa Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo.
Guddiga maamulka doorashada Galmudug ayaa horey u sheegay in ay qabanayaan maanta oo axad ah doorashada shan kursi, balse haatan waxaa la doortay afar kursi oo Golaha Shacabka ah.
Kursiga koowaad ee HOP#013, waxaa ku guuleystay Aadan Cismaan Xuseen, isagoo helay codo dhan 82 cod, halka Kursiga labaad ee HOP#101, waxaa ku guuleystay doorashadiisa Xersi Aadan Rooble, isagoo helay 88 cod.
Sidoo kale, Kursiga Seddexaad ee HOP#001, waxaa kusoo baxday Jawaahir Maxamed Axmed, taas oo heshay 101 cod oo ah dhamaan kooramka ergada.
Kursiga afaraad ee HOP#017 doorashadiisa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo waxaa isna kusoo baxday Qaladla Cali Cawaale, taas oo heshay 79 cod.