Puntland oo soo gabagabeysay doorashada 16 kursi oo taala Boosaaso.

50

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay doorashada 16- kursi oo lagu qabtay magaaladaas, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha, iyadoo doorashada ay halkaas ka bilaabatay saakay aroortii.

Guddiga maamulka doorashada Puntland ayaa horey u shaaciyay in doorashada kuraasta 16 ka ah ay qaban doonaan Sabto iyo Axad, balse Guddiga ayaa badalay jadwalkaas oo maanta ayey wada qabteen kuraastii oo dhan.

Kursiga Hop#157, waxaana ku guuleystay musharax xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, Sidoo kale, halka doorashada Kursiga labaad oo ahaa Hop#227 uu kusoo baxay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi. inkastoo Guddiga aysan shaacin musharaxiintaasi kuwii la tartamayay iyo Cododkii ay heleen.

Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Kursiga Hop#273, Iyadoo S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo loo garan ogyahay Ameeriko uusoo noqday taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, balse haatan waa xildhibaan kusoo baxay kursiga Hop#227 oo deegaan doorashadiisu tahay Boosaaso.

Sidoo kale, Kursiga Hop#234, waxaa ku guuleysatay Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali, halka isna Muuse Axmed Ismaciil uu ugu guuleystay Kursiga Hop#076 hab gacan taag ah, isagoo helay dhammaan 101 Codadka Ergada, sida guddiga doorashada Puntland shaaciyeen.

Sidoo kale, Guddiga doorashada Puntland ayaa isna qabtay doorashada Kursiga Hop#169, iyadoo doorashada Kursigaas uu ku guleystay Cali Mahdi Maxamed oo helay 97 Cod oo ahayd Ergada fadhiday hoolka.