Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay u ambabaxeen magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhowayd safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay qoraalka in Madaxweyne Farmaajo Amiirka Dowladda Qadar Al Thani ay dalkaas ku yeelan doonaan wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.” Sidaas ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.