Suldaan Gurey Xaaji Faarax oo ah Gudoomiyaha Is bedel doonka ee Waqooyiga Amerika ee Jubaland ayaa wareysi uu siiyey Warbaahinta markabley, waxaa uu ka Hadley khilaafka xoogan ee hareeyey qabashada doorashada 16ka kursi ee taala deegaan doorashada labaad ee Garbahaarey.
Waa Nasiib daro ayuu yiri in shacabka Gobolka Gedo oo xilligan la daala dhacaya Abaaro in hadana khilaaf siyaasadeed laga dhex abuuro oo ayan la qabin dalka intiisa kale,waxaana cadeynayaa in doorasho lagu qaban karo Garbahaarey.
Suldaan gurey ayaan ugu dambeen ka digey inaan marnaba wax laga bedelin heshiisyadii iyo habraacyadii laga gaarey Doorashooyinka Dalka,Ra,isal wasaarahana uu qaato Mas,uuliyadiisa sidii Doorashada ay ugu dhici lahayd degmada Garbahaarey.
HOOS KA DHAGEYO WAREYSIGA SULDAAN GUREY XAAJI FAARAX