Wararka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaasi koox hubeysan ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Laba Xidigle Axmed Xasan Biriq ayaa dilkiisa ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag, waxaana fuliyay laba nin ku hubeysnaa Bastoolad.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in isla goobta ay ku dileen raggaan ka dambeeyay dilka, iyaga oo ku soo bandhigay Saldhiga Booliiska Beledweyne.
Ciidamada Booliiska ayaana howl-gallo Ballaaran Caawa ka wada xaafadaha magaalada Beledweyne, kuwaasi oo ay sheegeen in ay ku adkeynayaan Amniga.