Waxaa magaalada Kismaayo maanta gaaray Guddiga uu Ra’iisul wasaare Rooble u xil saaray qiimeynta in ay Doorasho ka dhici karto magaalada Garbahaarey oo ah Deegaan Doorashada labbaad ee maamulka Jubbaland.
Xubnahan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Cumar Maxamed Cabdulle, waxaana Garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.
Guddigaan oo ka kooban xubno ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa kulamo la leh Madaxweynaha Maamulka Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Garbahaarey, halkaasi oo wada tashiyo ay la yeelan doonaan Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo.