Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye, oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya maalintii saddexaad, ayaa kulamo istiraatiji ah la yeeshay saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.
Iyada oo todobaadyo gudahood uu ku soo idlaanayo howlgalka AMISOM, Amb. Bankole Adeoye ayaa uga mahadceliyey saaxiibada taageerada ay siiyeen AMISOM 15-kii sano ee la soo dhaafay oo ay la wadaageen horumarka iyo meelaha mudnaanta leh ee lagu wajahayo howlgalka cusub ee ATMIS, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo joogto ah oo aan leexleexad lahayn la siiyo howlgalka soo socda ee Somalia, kaas oo la Magac baxay ATMIS, iyo sidoo kale Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, si loo daboolo jaangoynta iyo waqtiga loo dejiyey.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Bankole Adeoye ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada, isaga oo ugu dambeyn Maanta soo geba-gabeeyay booqashadiisii Soomaaliya.