In ka badan 20 Ruux oo Cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyootay Sh/Hoose

55

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in uu sii kordhayo dadka u dhimanaya iyo kuwa uu soo ridanayo Cudurka Shuban biyoodka degaano hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Cudurka uu xilligaan kajiro tuulooyinka ugu darana uu yahay sida, Tabeelaha, Aqal Gubaay, Buulo Jiffi, kukaadi, mooro barey, Xawaal fiiley iyo kuwa kale ee u dhow degmada Walanweyn.

Goobjoogayaal ayaa waxaa sidoo kale ay sheegeen in faafitaanka cudurka uu keenay kadib markii dadka cudurka uu haleelay la waayay Goobo Caafimaad oo la geeyo sidaasina dadka Guriga jooga lagu qaadsiiyay.

Tuulooyinka qaar ee Cudurka Shuban Biyoodka uu ka dilaacay ayaa waxaa sidoo kale kajirta Biyo la’aan xoogan, waxaana dadka degaannadaas ay codsadeen in si deg deg ah lagu soo gaarsiiyo Biyo iyo daawooyin.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii uu Guddoomiyaha Dagmada Wanlaweyn Ismaaciil Sheikh Abuukar Maxamed uu Qeyladhaan u diray maamulka Koonfur Galbeed yo Hay’adaha gargaarka si wax looga qabto cudurka  Shuban biyoodka iyo Abaarta intaba.