Gobolka Gedo oo ay ka dhacdey Dibad baxyo lagu dalbanayo Doorasho in ka dhacdo degmada Garbahaarey.

34

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa ka dhacay Dibad bax balaaran oo lagu dalbanayo In la qabto Doorashada 16 kursi ee Golaha shacabka ee taala deegaan doorashada labaad   jubaland ee  degmada Garbahaarey  xarunta Gobolka Gedo.

Dibadbaxan  oo ay soo abaabuleen Maamulada degmada IYO WAXGARADKA DEEGAANKAayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal ruux oo isugu jira Rag iyo dumar,kuwaasi oo dareenkooda ku muujinayey baahida loo qabo dedejinta Doorashada Kuraasta taala Garbahaarey oo ay shaki badan ka muujiyeen Qabsoomideeda.

Gebagebadii dibad baxa mas,uuliyiinta maamulka degmada ee ka hadley  ayaa sheegay in la ilaaliyo Nidaamka Golaha wada tashiga ay u dejiyeen habraacyada Doorshooyinka sida HESHIISKII kii 17 kii septembar oo Baarlamaankana uu ansixiyey.

Si kastaba ha ahaatee Guud ahaan degmooyinka Gobolka Gedo,marka laga reebo degmada Ceelwaaq oo ay maamulaan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka kala dhacay dibad baxyo lagu dalbanayo Qabsoomida Doorasha ka dhacda degmada Garbahaarey.