RW Rooble oo ka hadlay doorashada Xildhibaanimo ee Macalimuu.

43

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo soo saaray qoraal la xiriira guusha uu ka gaaray doorashada Kursiga HOP#068  Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, isagoo ugu hambalyeey doorashada Kursigaas uu kusoo baxay Afhayeenka.

RW Rooble ayaa macalimuu ku sifeeyay in dalka uu ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, , xilliyo kala duwan, isagoo xusay in Afhayeenka uu usoo dhabar adeegay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn.

Qoraalka Ra’iisul Wasaaraha kasoo baxay ayaa lagu yiri” Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa walaalkey Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS.”

Sidoo kale wuxuu yiri” Macallimuu waxa uu dalka ugu soo shaqeeyay xirfado kala duwan, xilliyo kala duwan isagoo u soo dhabar adaygay duruufo adag oo aan dhiirrigelineyn. Ma badna ayaan filayaa qof ka mudan in maanta lagu maamuuso in uu xildhibaan u noqdo Qaranka oo uu Macallimuu u 5 jeer u dhaawacmay.”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay dadka u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed oo uu ku matali doona kursigaas Macalimuu, isagoo xusay in garab istaagga ay u muujiyeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa dadka uu kursiga ku matalo oo u doortay xilkan iyo Shacabka Soomaaliyeed ee garab istaagga u muujiyay.”