–Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta deegaan doorashada 2-aad ee maamulkaas ku qabtay doorashada 6-kursi oo ka mid ah kuwa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kusoo wada baxay badanaa xubno hore ugu fadhiyay kuraasta doorashadooda la qabtay.
Kursiga 1-aad ee la qabtay doorashadiisa waxaa uu ahaa Kursiga HOP#032, markale doorashada kursigaas ku guuleystay Wasiir Khaliif Cabdi Cumar, Isagoo helay codad gaaraya 81-cod, halka musharaxii la tartamayay Axmed cumar Gureey uu heley 10-cod, Iyadoo uu halaabay 7-cod.
Sidoo kale, Kursiga 2-aad ayaa ahaa Kursiga HOP#068, waxaana doorashadiisa ku guuleystay Xildhibaan ahna Afhayeenka XS Maxamed Ibraahim Macalimuu,Iyadoo Guddiga Doorashada Hirshabeelle aysan shaacin musharaxii la tartamayay iyo cododkii uu ku guuleystay Afhayeenka.
Kursiga 3-aad oo isna ahaa Kursiga HOP#022, Waxaa doorashadiisa ku guuleystay sida Guddiga ay shaaciyeen Musharax Cismaan Maxamed Cabdi ( Daalo ), kadib markii ay tanaasushay Musharax Faadumo Maxamed Cabdulle oo la tartami lahayd.
Sidoo kale, Kursiga HOP#033 oo ah kan 4-aad ee lagu doortay Beledweyne waxaa ku soo baxay Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, kadib markii hanaan gacan taag ah uu ugu guuleystay kursigaas, Iyadoo oo u tanaasulay Musharax Aadan Qaasim Maxamuud.
Ugu dambeyn kuraasta kala ah HOP#006 iyo HOP#252, waxaa kusoo kala baxay doorashadooda xildhibaannada kale ah Maxamuud Cabdullahi Axmed iyo HOP#252 oo labadoodaba loogu kala codeeyay hab gacan taag ah, kadib markii Musharixiintii la tartameesay ay u tanaasuleen.