Cumar Filish oo amar duldhigay Guddoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

63

Guddoomiya Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), waxaa uu maanta kormeer ku tagay xarumo ay kamid yihiin Biyaasa Liibaro iyo xarunta Sheybaarka Dhismaha ee Dowlada Hoose Xamar.

Ujeedka kormeerka Gudddoomiyaha ayaa lagu sheegay in uu ka mid ahaa ugu kuur galida bilicda Caasimadda iyo howlaha muhiimka ah oo ay xarumahaasi bulshada u haayan.

Dhinaca kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa inta uu kormeerka ku jiray waxaa uu faray Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir uu Faray in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ilaalinta nadaafada iyo bilicda goobaha muhiimka ah iyo kuwa kale.