Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ka socota qaar ka mid ah caasimadda maamul gobooleedyadda, iyadoona sidoo kale Koonfur Galbeed noqotay maamulkii ugu horreeyay ee soo afjara doorashada deegaanka doorashada labaad ee Baraawe.
Waxaa shalay iyo todobaadkii hore kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho doorashada xildhibanada Banaadiriga iyo sidoo kale gobolada Waqooyi, kuwaasoo doorashadoodu ay ku dhacday xilligii lagu heshiiyay in doorashada soo gabagabeeyo oo aheyd 25ka bishan.
Ilaa hadda waxaa la doortay 179 kursi waxaa dhiman waxaa harsan 96 kursi oo intooda badan ku dhiman Puntland , Jubbaland iyo Hirshabeelle.
Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho lagu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose hase yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka jirto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.
Khilaafka ugu xooggan ayaa hadda ka taagan kuraasta taalla magaalada Garbahaarey oo maamulka Jubbaland ay si weyn iska diideen in doorashada kuraasta taalla la shaaciyo maadaama dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay ciidamo badan geysay halkaasi.
Golaha wadatashiga qaran ayaa habeen ka hor ku heshiiyay in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu guddi u saaro xaaladda Magaalada Garbahaarey si loo qiimeyo in doorasho lagu qaban karo.
Todobaadkaan sidoo kale waxaa lagu waddaa in doorashada ay ka bilaabato magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.