Dagaalka uu Militeriga Ruushka ku qaadeen wadanka Ukraine ayaa ku sii siqaya caasimada Kieve, iyadoo dhowr qarax laga maqlay Gudaha Caasimada sida uu sheeqay duqa magaalada Ukraine.
Duqa magaalada Kiev ayaa xaqiijiyay 3 qof oo dhaawac ah, hal qofna xaaladiisu halis tahay, waxaana uu sheegay in ay socdaan gargaarka dadka loo samaynayo dadka dhaawaca.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay dagaalka Ukraine ka billaawday khamiisti shalay ahayd iney ku dhinteen 137 qof oo isugu jira ciidamo iyo dad rayad ah.
Volodymyr oo farriin muuqaal ah warbaahinta la wadaagay wuxuu sheegay Ruushka inuu doonayo iney siyaasad ahaan baab’iso Ukraine madaxweynaha dalkana ay khaarijiso.
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in istaraatiijiyadda Ruushka ay tahay inay isku hareereeyaan caasimadda Kyiv, iyagoo ka sameynaya waddo dhulka ah oo ku teedsan xeebta Badda Madow.
Ciidamada Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday ciidamada cirka ee Ruushka oo qabsaday garoon diyaaradeed oo shan iyo toban KM dhanka waqooyi kaga beegan Kyiv.