Golaha Wadatashiga oo markale muddeeyay Doorashada Golaha Shacabka

65

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka kooban Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa markale muddeeyay Doorashada Golaha Shacabka.

Shir ay madaxda ku yeesheen fogaan aragga ayaa waxaa looga hadlay looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Xal u helista caqabada jira ,soo gabagabeyta doorashada iyo Abaaraha ba’an ee ka jira dalka.

Golaha Wadatashiga Qaranku dood iyo falanqeyn ka dib waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku aysan ku soo dhammaan xilligii loo qorsheeyay ee 25ka Febraayo 2022. Golaha ayaa isla qiray in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, Xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

Haddaba iyadoo la tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu isku raacay qodobbada soo socda:

1- In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022

2- Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisul Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.