Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ugu baaqday inay lasoo Xidhiidhaan safaaradaha Soomaaliya ee Biljamka iyo Jermalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duulayso xaaladda ammaan ee Ukraine oo si xawli ah isu beddeshay, waxay kula talisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan ardaydu in ay la soo xiriiraan Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
