Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska ayaa sheegay in ay dileen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha Ciidamada Kumaandooska ee Danab ayaa sheegay in ay dileen 29 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, ka dib dagaal ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay in raggaan ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Bariire, isla markaasna ay ka hortageen.
Ma jiro ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada Ciidamada Xooogga, mana jiro hadal ka soo baxay Ururka Al-shabaab.