Hay’addaha Ammaanka ee Mareykanka oo waday howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dil loo geystay dhammaadkii bishii Decembar loo geystay Imaam Maxamed Xasan Aadan, kaasi oo laga helay Meydkiisa magaalada Colombus.
Booliiska dalka Maraykanka ayaa xiray nin lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu ka dambeeyay dilka Colombus loogu geystay AUN. Imaam Maxamed Xasan Aadan, oo ahaa Imaamka Soomaalida Colombus.
Sida ku cad dukumentiyo loo gudbiyay maxkamadda kiiskaan gacanta ku haysa, John W. Wooden Jr. ayaa loo haystaa inuu habeenkii ciidda Kirismaska dilay Imaam Maxamed Xasan Adam.
Sida ku cad dukumentiyada maxkamada, waaran baaritaan ayaa la geeyay guriga Wooden Jr.l, Kadib markii booliisku gurigiisa ay ka heleen hubka loo maleynayo inuu yahay midkii lagu togtay marxuumka.
Ninkaan ayaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad federaali ah oo ku saabsan in uu yahay dambiile haysta qori. Maxkamada ayaa sheegtay in lagu helay sharciga Hobbs 2010 laguna xukumay 204 bilood oo xabsi ah. Waxa xabsiga laga sii daayay March 2021.
Ohio waxay martigelisaa Soomaalida labaad ee ugu badan marka laga reebo Minneapolis ee Maraykanka.Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa ahaa ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus, OH.