Goobaha ganacsiga Magaalada Jowhar oo Maalintii labaad xiran

31

Maalintii labaad oo xiriir ah ayaa waxaa Maanta xiran Goobaha ganacsiga magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, taas oo saameyn ku yeelatay Bulshada Magaalada.

Sababaha xeritaanka Goobaha Ganacsiga Magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu sheegay inay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabadsugida ee NISA.

Maalmo ka hor ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay degmada Aadan-yabaal ugu yeereen Ganacsatada, balse 8 kamid ah Ganacsatada ay tageen, taas oo keentay in Ganacsatadii tagtay goobahooda ay xiraan Ciidanka NISA halka kuwii diiday ay soo waceen Al-Shabaab kuna amreen inay xiraan.

Bulshada kunool Magaalada Jowhar qaarkood ayaa sheegay in uu saameyn weyn ku yeeshay xernaanshaha Goobaha Ganacsiga, isla markaana ay sababi karto in qiimaha maciishada ay kor u kacdo

Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo kamid ah goobaha ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dareemayaa in dadka kunool uu saameeyay xirnaanshaha Goobaha Ganacsiga, iyada oo weli tallaabadaas laamaha Amniga aysan ka hadlin.