RW Rooble oo la kulmay Macalimuu oo maanta soo gaaray Muqdisho.

67

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qaabilay Afhayeenka Xukuumadiisa Maxamed Ibraahim macalimuu oo dib ugu soo laabtah Muqdisho, iyadoo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo bahda saxaafadda.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii argagixisadu la beegsadeen, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.”

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ah Musharax haatan u taagan mid ka mid ah kuraasta doorashadooda taalo Magaalada Beledweyne, taas oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Maamulka Hirshabeelle.