Maamulka gobolka Gedo oo war kasoo saaray doorashada Degmada Garbahaarey

86

Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Mudane Axmed Buulle Gareed ayaa ka hadlay doorashada 16-ka kursi ee taalla gudaha magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka, kuwaas ay hareeyeen murano xoogan.

Buulle ayaa shaaciyey in mas’uuliyadda ugu weyn ay saaran tahay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay in doorasho ay ka dhacdo Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin qabashada doorashada kuraasta taalla degmada Garbahaarey, wuxuuna xusay in doorashada ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.

Dhawaan Siyaasiyiin & mas’uuliyiin xilal ka haaya Maamulka Jubbaland oo kasoo jeeda Gobolka Gedo kuna shiray Kismaayo ayaa sheegay in degmada Garbahaareey aysan doorasho ka dhici karin, isla markaana dowladda Soomaaliya ay geeysay Ciidamo farabadan oo Nabadsugid ah.