Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa fasaxay 5 kursi uu kamid yahay kursiga Hop#086 kaas oo ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Kuraastaan 5-ta ah ayaa 21-kii Bishaan doorashadooda lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, balse Kursiga Hop#086 ayaa guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer federaal Muuse Geelle uu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursigaas.
Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in guddoomiyaha ay xubnaha kale ee guddiga la wadaageen warbixin uu ku qancay oo ku saabsan lixda kursi ee lagu doortay Beledweyne uuna fasaxay.