Saraakiisha Ciidamada Xoogga Guutada 16-aad ayaa sheegay in dileen sarkaal iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ayaa sheegay in Howlgallo qorsheysan ay ka fuliyeen Deegaanada Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayna ku dileen in ka badan 60 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab.
Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan tuure oo hoggaaminayay Howlgalka ay Danab fulisay ayaa sheegay in ay dileen Madaxa Al-shabaab ee Jabhadaha Gobolka Hiiraan, balse ma uusan sheegin magaca Sarkaalkan la dilay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Gaashaanle Xasan inta uu howlgalka socday in ay ciidamada Burburiyeen Saldhigyo ay Al-shabaab ku diyaariyaan waxyaabaha qarxa iyo goobo ay lacagaha ku aruurin jireen.
Sawirro lagu baahiyay Bogga Idaacadda ciidamada ayaa muujinaya guryo gubanaya.