Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay burburiyeen Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen gobalka Hiiraan.
Milatariga ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaasi lagu dilay hoggaamiyihii Jamhaddaha ee Al-Shabaab iyo lix kale oo ka mid ah.
Ciidanka dowladda ayaa soo bandhigay guryo gubanaya oo la sheegay in Al-shabaab ay ku diyaarin jireen qaraxyada.
Deegaanada Ciidanka ay howlgallada ka fuliyeen ayaa kala Fiidoow, Dudubley, Kiliga Shiinaha iyo Burca dheer oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.