Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu sharci darro yahay heshiiska uu saxiixay heshiiska Shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka.
Qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri
“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”
Ra’iisulwasaraha ayaa sheegay in uu qaadi doono tillaabooyin looga jawaabayo saxiixa Heshiiskaasi.
“Ra’iisulwasaraha ayaa qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri hadalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Sidoo kale sidaan waxaa uga hor-yimid heshiiskaan Madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay in aan lagala tashan.