MD Farmaajo “Dhaqangal ma ahan heshiiska Shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka”

37

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aan lagala tashan Heshiiska lagu saxiixay 7 Xirmooyinka Shidaalka badda ee Soomaaliya.

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri WarSaxaafadeedka

“Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka”.

WarSaxaafadeedka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa daba socday daqiiqado ka dib markii Wasiirka Batroolka Soomaaliya uu shaaciyay in ay heshiis la gaareen shirkad shidaalka qodeysa.