Wasiirka Qorsheynta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in uu Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor qoor) u gudbiyey warqad istiqaalo ah oo uu ku cadeynayo in uu isaga tagayo shaqada wasiirnimo.
Qoraalka uu qoray wasiirka ayaa waxaa uu ku bilaabay.
Bismilaah,
Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.
Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sababta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahfaahin doono shir jaraaid.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dhamaan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shacabkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa howl wadeenada Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen.
Wasiir cabdinaasir Geelle ayaa ka mid ahaa musharaxiinta u taagnaa kursiga Hop147 oo uu kufadhiyo markalena u taagan yahay Xildhibaan Mahad Salad.