Jubbaland oo soo bandhigtay caqabadaha hor-taagan Doorasho ka dhacda Garbahaarey

62

WarSaxaafadeed ay ka soo saareen Shir laba maalin ay magaalada Kismaayo ku lahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirada iyo kuwa Baarlamaanka Jubbaland ee ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa lagu sheegay in Caqabado badan ay hor-taagan yihiin in Garbahaarey ay ka dhacdo Doorashada Golaha Shacabka.

Bayaanka ayay ku sheegeen in Magaalada Garbahaarey oo ah deegaan Doorashada labbaad ee Jubbaland oo ay yaalaan 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka aysan suurogal aheyn in halkaasi Doorasho ka dhacdo.

Waxaa ay ku sababeeyeen in magaalada aysan ka talin Jubbaland, isla markaasna Dowladda Federaalka ku daabushay Ciidan ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida NISA.

Hoos ka akhriso Caqabadaha ay soo bandhigeen Xubnahan.