Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka

57

Cusmaan Abii Bakar Maadey oo Magaciisa Afgarashada uu Yahay (Cabdullahi ) oo ka tirsanaa Alshabab ayaa Maanta isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 60aad .

Cusmaan Wuxuu Alshabab ku jirey Mudo 3 Sano Ah isagoo u qaabilsanaa Jabhada , Wuxuuna ka qeyb qaatey Dagaalo Dhowr ah oo ka Dhacay Deegano ka tirsan Gobolka Baay,

Wuxuuna sheegey in Sababta hada ay ku kaliftey In Alshabab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay dhexdood ka jirto iyo mida ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Cusmaan Abii Bakar ayaa sido kale Baaq udirey Saaxibadiisa kale ku jira Alshabab in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Dowladda ay isaga soo Baxaan Alshabab.