Madaxweynaha KGS oo kulan la qaatay Culimada iyo Ganacsatada ku sugan Beeydhabo

76

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Culimada iyo Ganacsatada ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

kulan Madaxweynaha Culimada iyo Ganacsatada ayaa looga hadlayey sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa Dadka ay Abaartu samaysay ee ku sugan degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray ugurmashadda dadku ay abaaruhu Saameysay.