Yuusuf Daba-geed “Ciidamada Beledwayne la geeyay laguma boobayo Doorashada”

25

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Xagar Dabageed ayaa sheegay in Ciimada Dowladda Federaalka ee la geeyay magaalada Beledwayne aan lagu boobi dooni Doorashada Golaha Shacabka ee la filayo in ay ka billaabato magaaladaasi.

Madaxweyne dabageed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidanka beledweyne la geeyay ay kursi doorasho u xooggayaan taliyihii hore ee NISA fahad Yaasiin Xaaji Daajir,  haddna ah lataliyaha Amniga Qaranka.

Intaasi waxa uu ku daray in fahad yaasiin haddii ay doortaan qabiilkiisii uu noqonayo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka soomaaliya haddii aan la dooranna uu ka dareerayo beledweyne.

Dabageed ayaa carabka ku ballaariyay in dad dano siyaasadeed leh ay warar been abuur ah ka fidinayaan magaalada beledweyne iyo ciidamada la geeyay.

Geesta kale madaxweyne ku xigeenka hirshabelle yuusuf Axmed Hagar dabageed oo laweydiiyay waxyaabahaha ay ka wada hadleen madaxweynaha hirshabelle cali guud laawe iyo beesha diidanayd in beledweyne uu tago ayaa ku jawaabay.

Maalma ka hor ayaa waxaa magaalada beledweyne gaaray madaxweynaha Hirshabelle cali guud laawe kaddib markii ciidamada gor gor iyo haram cad ee laga qaaday magaaalada muqdisho ay waddooyinka Beledwayne oo idil uxireen, wixii markaa ka dambeeyay ayaa waxaa dhacayay kulamo uu la qaadanayay waxgaradka iyo aqoonyahannada beelaha dega halkaasi kuwaa oo uu kala hadlay sidii loo xalin lahaa xiisadda beledweyne iyo sidii doorasho nabdoon loogu qaban lahaa halkaasi.