Hay’adda u dooda xuquuda Carruurta ee Safe the Children ayaa walaac ka muujisay lix ruux oo dhowaan ay maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ku kala xukuntay dilka Toogasho ah iyo Xabsi Ciidan.
Raggaan ayay Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Puntland ku seedeysay in ay ka dambeeyeen dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo in ay kamid ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Lixdaan ruux ee la xukumay ayay da’dooda u dhaxeysay 16 ilaa 20 sanno, waxaana la xiray bishii October ee sannadkii 2020 markaasi oo da’dooda ka yareed tan ay hadda jiraan.
Maxkamadda kamid ah raggaan ku xukuntay dil, iyadoo labo kale lagu riday xukun xabsi ciidan ah oo ah 20 & 30 sano oo xabsi ah.
WarSaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda ayay ku tilmaamtay carruur aan garaadsan, isla markaasna ay mudnaayeen in dhaqan celiyo.
“Aad baan uga walaacsanahay xukunnadan, in dhalinyarada lagu xukumo dil iyo xabsi dheer – iyadoon loo eegin dambigooda – ma ahan mid ka hortag ah, waxaana hubaal ah inaysan waafaqsanayn heerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya aqbashay”. ayaa lagu yiri WarSaxaafadeedka Safe the Children.