Koofur Galbeed oo shaacisay jadwalka Doorashada 13 kursi

60

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyay jadwalka doorashada 13 kursi ee deegaan doorashadoodu tahay KGS gaar ahaan Magaalada Baraawe.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in 12-ka ilaa 14 Bishaan la qaban doono tababarida gudsiyada soo gudbinta Ergooyinka & tababarida Ergooyinka, sidoo kalena la diiwaangelin doono musharrixiinta 13-ka Kursi.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in 16-ka Bishaan la qaban doono doorashada qeybta koowaad halka 17 oo ah Maalinta xigta la qabanayo qeybta labaad, waxaana kuraasta la dooranayo ay kala yihiin.

1: Hop#187 oo uu ku fadhiyo Shariif Sheekhuna Maye.

2: Hop#251 oo ay ku fadhiso Nuura Ceyni Khaliif Abuu

3: Hop#185 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay u ku fadhiyo Maxamed Nuuraani Bakar.

4: Hop#194 oo ay ku fadhiso Drs, Maryan Qaasim Axmed

5: Hop#062 oo uu hadda ku fadhiyo Cali Yuusuf Cismaan

6: Hop#148 oo ay ku fadhiso Aamina Xasan Cali

7: Hop#162 oo uu ku fadhiyo Cali Sheekh Cabdullaahi

8: Hop#256 oo dhowrkii sano ee la aoo dhaafay ay ku fadhiso Nadiifo Aadan Isaaq

9: Hop#045 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

10: Hop#057 oo uu ku fadhiyo Axmed Cumar Islaw

11: Hop#143 oo uu ku fadhiyo Cali Sheekh Maxamed Nuur

12: Hop#163 oo uu hadda ku fadhiyo Isaaq Maxamed Maxamuud (Aboow).

13: Hop#145 oo uu ku fadhiyo dhowrkii sano ee la aoo dhaafay guddoomiye kuxixeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabudweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee dhameystira degaan doorashada labaad, kaas oo qeyb ka ah heshiiskii doorashada oo ay Muqdisho ku gaareen Golaha wadatashiga Qaran.’